Google search engine
HomeWararka MaantaWaa kuma taliyaha cusub ee sirdoonka Itoobiya?

Waa kuma taliyaha cusub ee sirdoonka Itoobiya?

Sahan media Muqdisho: Danjire Ridwaan Xusein oo horay u ahaa lataliyihii hore ee amniga qaranka Itoobiya ayaa noqday madaxa hay’adda sirdoonka dalka, isagoo bedelaya Temeseng Tiruneh oo loo magacaabay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Itoobiya.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa lagu sheegay in Danjire Ridwan uu noqonayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka dalkaasi.

Ridwaan Xuseen waxaa uu dashay 22 Sebtembar 1971, waxa uuna ka soo jeeda Koonfurta Itoobiya halkaas oo ay dagaan qowmiyadda Silte ee isagu ka dhashay.

Ridwan waxa uu shahaadada heerka koobada ka qaatay Jaamacadda Addis Ababa sanadkii 1995 tii, isaga oo bartay cilmiga Biology- ka.

Shahaadada heerka labaad ayuu ka qaatay Jaamacadda Pacific University 2006, isaga oo bartay hogaaminta ururada.

Waxaa uu noqday macalin wax ka dhiga dugsiyo sare ee dalka itobiya. isaga oo macalin ka noqday dugsiyo ay ka mid yihiin Dugsiga Sare ee Jinka ee Koonfurta Omo Zone iyo Dugsiga Sare ee Awolia ee Addis Ababa.

Intii u dhaxaysay sanadihii 2004 ilaa 2008 waxa uu ahaa madaxa xafiiska waxbarashada gobolka Shucuubta Koonfureed, balse wuxuu wixii intaas ka dambeeyay bilaabay in uu ka shaqeeyo siyaasadda dalka Itoobiya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments