Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa boqollaal qof kala qaybgalay salaadda janaasada iyo aaska marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable oo saaka lagu aasay xabaal ku taala magaalada Gabiley, oo ah halkii uu ku dhashay Cabdinaasir.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay munaasabadda aaska ayaa sheegay in Dawladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay waydiinayaan sababta loo dilay Cabdinaasir Dahable.
“Dawladda Xasan Sheekh waxaan ka dooneynaa, ninkani muxuu muteystay, maxaa loo dilay, taas oo jawaabteeda la helo mooyaane, haddii la waayana, waxay ila tahay waa bareer” ayuu yiri Madaxweyne Biixi.
Dad kii ka qaybgalay aaska ayaa marxuumka Rabbi uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehel kii iyo saaxiibbadii uu ka tagayna uu samir ka siiyo. Cabdinaasir Muuse Dahable oo ahaa sarkaal ka tirsan Hay’adda Duulimaadyada Rayidka Soomaaliya ayaa maydkiisa laga helay gurigii uu ka deganaa degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho todobaadkii hore, waxayna booliska Soomaaliya sheegeen in dhawr qof loo xiray tuhunka la xiriirra ciddii ka dambeysay dilkiisa.