Google search engine
HomeWararka DibaddaDaa'uud Aweys oo ka qayb galay shirka wadamada OIC

Daa’uud Aweys oo ka qayb galay shirka wadamada OIC

Sahan media Muqdisho: Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys ayaa ka qayb-galay shir aan caadi ahayn oo Wasiirrada Warfaafinta ee waddamada Islaamka ay ku yeesheen magaalada Istanbul, isagoo gudbiyay dalab culus oo xasaasi ah.

Daa’uud Aweys oo khudbad ka jeediyay shirka waddamada OIC ayaa ka codsaday dalalka xubnaha ka ah ururka inay ku garab istaagaan Soomaaliya mowqifka ay uga soo horjeeddo xadgudubka Ethiopia ay ku soo faragelisay qaranimada iyo madax banaanida Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay go’aan adag ka qaadatay damaca gurracan ee Itoobiya oo xadgudub ku ah madax banaanida dalka iyo shuruucda caalamiga ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay dadaal ugu jirto inay dalkeeda amni ku soo dabaasho, balse ay nasiib darro tahay in Ethiopia oo si sharciga caalamiga ka baxsan heshiis is-afgarad la gashey maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in go’aanka gurracan ee Ethiopia uu khatar ku yahay gobolka Geeska Afrkika oo dhan iyo caalamka intiisa kale.

Sidoo kale waxaa shirka lagu soo qaaday gabbood-falka ay Israel ku hayso dadka reer Falastiin ee ku dhaqan marinka Gaza, maadaama kumanaan shacab ah lagu laayay halkaasi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments