Google search engine
HomeWararka DibaddaDhoolatus ciidan oo ay ku jirto Somaliya ayaa ka bilowday Kenya

Dhoolatus ciidan oo ay ku jirto Somaliya ayaa ka bilowday Kenya

Sahan media Somalia: Sida ay baahisay bilowgii bishan Febraayo Majalada arimaha militariga ka waranta ee Dvidshub , Kenya ayaa marti galin doonta mid ka mida dhoolatuskii ugu weynaa ee Taliska Mareykanka ee Afrika uu ka fuliyo Bariga Afrika.

Waxa la sheegay in uu socon doono dhmaaadka bisha Febraayo ilaa bilowga bisha Maarso ee sanadkan.

Carbiskan ciidan oo ka dhacaya dalka Kenya, waxaa militaryga Soomaaliya uga qayb galaya ciidamo ka tirsan guutada kumaandoosta Danab, oo ah ciidan si gaara u tababaran kana mid ka ah ciidanka xooga dalka Soomaaliya.

Dhoolatuskan waxaa hogaaminaya ciidamada Maraykan ee US Army Southern European Task Force, Africa (SETAF-AF), kaas oo sanadkan kulmin doona ilaaa kun askari oo ka kala socda dalalka ka qayb galaya.

Cutubyo ka tirsan ciidanka militariga Soomaaliya ayaa ka qayb galaya laylis ciidan oo ka dhacaya meel ka baxsan dalka.

Waxay warbixintu sheegtay in laylisku ka dhici doono xarunta Nanyuki ee La-dagaalanka Kacdoonada, Argagaxisada iyo Hawlgallada Xasilinta (CITSO), halkaas oo ciidanka difaaca Kenya ay martigelin doonaan layli tababar goobeed oo caalami ah – tababaro hawlgal oo magaalo ah.

“Heshiiska wuxuu muujinayaa rabitaanka Mareykanka iyo wadamada saaxiibka ah si ay u kordhiyaan diyaargarowga iyo wadashaqeynta marka ay timaado amniga gobolka iyo ka jawaabsta xasaradaha,” ayuu yiri F. Austin Blessard, madaxa dhoolatuse ee SETAF-AF.

Dhowr cutub oo ka kala socda qaybaha ciidamada Maraykanka ayaa layliga kala qayb galaya.Ciidamo ka socda Ingiriiska ayaa iyana khibrad iyo xeeladeedo siin doona koox ka kala socota dalalka Kenya, Djibouti, Somalia iyo Tanzania ayaa lagu yiri warbixinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments