Google search engine
HomeWararka MaantaWaa tuma Nandi-Ndaitwah?

Waa tuma Nandi-Ndaitwah?

Sahan media Muqdisho: Namibia ayaa dooratay haweeneydii ugu horeysay ee hogaamisa, iyadoo musharaxa xisbiga talada haya ee SWAPO ahna madaxweyne ku xigeenka Netumbo Nandi-Ndaitwah ay Talaadadii ku dhawaaqday inay tahay qofka ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee todobaadkii hore.

Iyadoo Nandi-Ndaitwah, oo 72 jir hadda ah madaxweynaha la doortay. Waxay heshay 57.31% codadkii la dhiibtay, iyadoo ka adkaatay 14 musharax oo kale waxayna ka gudubtay 50% si ay uga fogaato in wareeg labaad la qabto.

“Iyadoo la raacayo qaybta 109 ee sharciga doorashada…Aniga, Elsie Nghikembua, guddoomiyaha guddiga doorashada ee Namibia, waxaan ku dhawaaqayaa Her Excellency Netumbo Nandi-Ndaitwah ee xisbiga SWAPO inay Tahay ku guuleystaha iyo madaxweynaha la doortay ee doorashooyinka madaxtinimo ee 2024,” Nghikembua ayaa ka sheegtay caasimadda Windhoek, iyadoo ku dhawaaqday natiijada codbixinta.

Nandi-Ndaitwah ayaa noqon doonta madaxweynihii shanaad ee Namibia iyo haweenaydii afraad ee Afrika hogaamisa Ellen Johnson Sirleaf ee Liberia intii u dhaxaysay 2006 iyo 2018, Malawi’s Joyce Banda 2012 ilaa 2014 iyo Samia Suluhu Hassan oo Tansaaniya ah.

Waxay hore u ahayd madaxweyne ku xigeenka SWAPO ee Madaxweyne Hage Geingob, oo dhintay Febraayo 2024 iyo madaxweynihii xilka ka degaya Nangolo Mbumba, kaasoo sii watay doorka madaxweynaha ku-meel-gaar ah ka dib geeridii Geingob.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments