Google search engine
HomeWararka DibaddaMaxaan ka naqaan Abu Maxammad al-Julani?

Maxaan ka naqaan Abu Maxammad al-Julani?

Sahan media Muqdisho: hogaamiyaha Suuriya lama yaqaan taariikhda iyo goobta uu ku dhashay, taariikh nololeedkiisa iyo xitaa dhalashadiisa, taas oo sii kordhineysa wax badan oo ku qarsoon shakhsiyadiisa. Sida laga soo xigtay warbixinnada Qaramada Midoobay, waxa uu dhashay intii u dhaxaysay 1975 ilaa 1979, halka Interpol ay sheegtay in uu dhashay 1975kii.

Abu Maxammad al-Julani sida uu ku sheegay waraysi uu siiyay warbaahinta PBS ee Maraykanka, magaciisa dhabta ah waa Axmed Xuseen al-Sharaa, naaneystiisa oo tilmaamaysa Buuraha Golan ayaa ka tarjumaysa xiriirka qoyskiisu la leeyahay gobolkaas. Waxa uu waraysigaas ku sheegay in uu sannadkii 1982-kii ku dhashay caasimadda Sucuudiga ee Riyaad, halkaas oo uu aabbihii ka ahaa injineer shidaal ilaa sannadkii 1989-kii. Sannadkaas, qoyska al-Julani waxay ku noqdeen Suuriya, halkaas oo uu ku koray oo uu ku noolaa xaafadda Mezzeh ee magaalada Dimishiq.

Warar ay baahisay warbahainta ayaa sheegay in Al-Julani uu ku dhashay magaalada Deir ez-Zor ee dalka Suuriya sanadkii 1981-kii, waxaana la sheegay in uu muddo labo sano ah uu cilmiga caafimaadka ku soo bartay magaalada Dimishiq, ka hor inta uusan ka tagin sanadkiisii saddexaad ee waxbarashada si uu ugu biiro ururka xagjirka ah ee Al-Qaacidada ee Ciraaq ka dib duulaankii Mareykanka ee 2003dii.

Waxaa la rumeysan yahay inuu si xawli ah ay kor ugu kacday darajada uu ka gaaray ururka Jihaadiga ah, isagoo noqday saaxiibka ugu dhow ee Abuu Muscab Al-Zarqaawi. Waxa uu u guuray Lubnaan 2006dii ka dib markii la dilay Zarqawi, halkaas oo sida la sheegay uu kormeeray tababarka kooxda xagjirka ah ee Lubnaan ee Jund al-Sham. Waxaa la rumeysan yahay inuu mar kale u safray dalka Ciraaq, halkaas oo ay ku xireen ciidamada Mareykanka in muddo ah, wuxuuna ku biiray dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq ka dib markii la sii daayay 2008-dii.

Sida ay sheegeen dadka wax indha indheeya Al-Julani waxa uu dib ugu laabtay dalkiisa Suuriya bishii August 2011kii, halkaas oo uu ka aas aasay laan ka mid ah al-Qaacida si ay ugu biirto dagaalka ka dhanka ah Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad.

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska Lubnaan ee As-Safir ayaa tilmaamay in “qaar ay yiraahdeen waa Ciraaqi waxaana loogu yeeri jiray Al-Julani iyadoo la tixraacayo xaafadda Al-Julan ee Falluuja oo uu ka yimid.

Markii uu qabtay hoggaanka Jabhat al-Nusra, hay’adda cilmi-baarista ee Ingiriiska Quilliam Foundation ayaa sheegtay in al-Julani uu “waayo-aragnimo uu u leeyahay Ciraaq,” taas oo ka dhigaysa hoggaankiisa Jabhat al-Nusra “mid aan muran la gelin karin.” Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay in tafaasiisha al-Julani “si aad ah loo ilaaliyo oo inta badan xubnaha Jabhat al-Nusra aanay garanayn hogaamiyahooda.”

Al-Julaani waxa uu caan ka noqday dalka Ciraaq xiligii uu joogay dalka Ciraaq, waxaana gacanta ku hayay Abu Muscab Al-Zarqaawi oo ahaa aasaasihii Al-Qaacidada Ciraaq, halkaas oo uu door muhiim ah ka qaatay fududaynta hawlgalada xudduudaha isaga gudba, isaga oo asal ahaan ka soo jeeda Suuriya, wuxuu isku xirayey dagaalyahanada ajnabiga ah iyo falaagada gudaha ee qaaday weeraro iyo howlgalo ismiidaaminta ah.

Sannadkii 2010-kii ayay ciidamada Maraykanka ee Ciraaq ku xireen Camp Bucca, oo caan ku ahayd inay noqoto meel ay ku barbaaraan fikradaha xagjirka ah.

Muddadani waxaa sii xoogeystay xiriirka uu la leeyahay shabakadaha jihaad doonka ah, oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha mustaqbalka ee Dawladda Islaamiga ah (ISIS), waxaanu dhawr sano uu ku qaatay xabsiyada ciidamada Maraykanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments