Sahan media Muqdisho: Hay’adda la-dagaalanka socdaalka sharci-darrada ah ee Liibiya ayaa ku dhawaaqday in muhaajiriinta sharci-darrada ah loo musaafurinayo dalkooda iyadoo la sii marinayo garoonka diyaaradaha ee Sabha.
Wakaaladdu waxa ay sheegtay in Muhaajiriinta laga soo tarxiilay Xarunta Hoyga Brak Al-Shati kadib markii ay soo dhameysteen Nidaamka Musaafurinta ee laga masaafurinayo dhulka Libya iyadoo ay ku xad-gudbeen Dukumentiga Safarka iyo Shuruucda ka dhaqan-gasha dalka Libya.