Google search engine
HomeWararka MaantaTrump oo saxeexay Awaamiir Fulineed maalintiisa 1aad

Trump oo saxeexay Awaamiir Fulineed maalintiisa 1aad

Sahan Media Muqdisho: Maalintii ugu horreysay ee xilli-xileedkiisa cusub, Madaxweyne Donald Trump waxa uu saxiixay amarro u dhexeeya cimilada ilaa socdaalka, oo ay weheliso cafis ballaaran oo loo fidiyo qaar badan oo ka mid ah kuwii qabsaday caasimadda Janaayo 6, 2021.

Qaar ka mid ah amarradiisa ayaa ka dhabeeyay balammo uu sameeyay ololihii 2024-kii. Kuwo kale, sida ka bixitaanka Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), lama fileyn.

Halkaan waxaan idinkugu soo gudbineynaa warbixin kooban oo ku saabsan amarada uu Trump ku saxiixay fagaaraha Washington oo ay buux dhaafiyeen taageerayaashiisa, kadibna Aqalka Cad, kadib markii loo dhaariyay xilka madaxweynaha.

  • Dhinaca Socdaalka –

Trump ayaa saxiixay amarro kala duwan oo looga dan leeyahay in dib loogu qaabeeyo sida Mareykanka uu u maamulo socdaalka iyo jinsiyadda.

Mid ka mid ah ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo qaran xuduudda koonfureed.

Trump ayaa sidoo kale ballan qaaday howlgal masaafurinta ballaaran ah oo ay ku lug leeyihiin militariga, kaas oo uu sheegay in lagu bartilmaameedsan doono kuwa uu ugu yeeray “shisheeyaha dambiilayaasha ah”.

Xafiiska Oval Office, Trump waxa uu ku saxeexay amar ka noqoshada dhalashada mareykanka.

Laakin jinsiyadda Mareykanka ee tooska ah ee dadka ku dhashay dalkaas ayaa lagu qeexay dastuurka, waxaana hubaal ah in tallaabada Trump ay wajihi doonto caqabad dhanka sharciga ah.

  • January 6 rabshadihii dhacay.

Trump ayaa cafis u saxiixay qaar ka mid ah 1,500 ka qeybqaatayaashii weerarkii 6 Janaayo 2021 lagu qaaday Capitol ee ay taageerayaashiisa isku dayayeen inay afgembiyaan doorashada 2020.

Waxa uu mar kale ku tilmaamay kuwii lagu helay ama qirtay dambiga lagu soo eedeeyay rabshadihii dhacay inay yihiin “la haystayaal”.

  • Heshiiskii Cimilada ee Paris

Madaxweynaha ayaa isla markiiba Mareykanka kala baxay heshiiskii cimilada ee Paris, isagoo ku celceliyay tallaabo uu qaaday intii uu xilka hayay.

Amarka ayaa kordhinaya diidmada ah ee Trump ee dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo kulaylka meeraha iyada oo dhacdooyinka cimiladu ay sii kordhayaan adduunka oo dhan.

Waxay qaadan doontaa hal sano in laga baxo heshiiska ka dib marka loo gudbiyo ogeysiis rasmi ah qaab-dhismeedka Qaramada Midoobay kaas oo xoojinaya gorgortanka cimilada adduunka.

  • Saliidda qodisteeda –

Trump ayaa saxiixay amar uu ku dhawaaqayo “xaalad degdeg ah oo tamarta qaranka ah” oo looga golleeyahay in si weyn loogu balaadhiyo qodista shidaalka iyo gaaska ugu sarreeya adduunka.

In lagu shaqeeyo guriga –

Amarka kale wuxuu u baahan yahay shaqaalaha federaalka inay si buuxda ugu soo laabtaan xafiiska, iyadoo Trump uu doonayo inuu baabi’iyo inta badan gunnooyinka shaqada-guriga ee soo kordhay intii lagu jiray masiibada Covid-19.

  • Ka bixista WHO –

Trump ayaa saxiixay amar ah in Mareykanka uu ka baxo Ururka Caafimaadka Adduunka, isagoo ku adkeystay in Washington ay si cadaalad darro ah u bixineyso lacag ka badan tan Shiinaha oo ay ku bixiso hay’adda Qaramada Midoobay.

  • TikTok –

Madaxweynaha ayaa amray in 75-maalmood la hakiyo dhaqan gelinta sharciga si wax ku ool ah u mamnuucaya TikTok.

Tallaabooyinka uu qaaday ayaa dib u dhigay fulinta fal dhaqan galay usbuucan, oo mamnuucaya qaybinta iyo cusboonaysiinta TikTok gudaha Mareykanka.

Trump ayaa sheegay in shirkadda Shiinaha ay ku qasban tahay inay ogolaato inay boqolkiiba konton ka iibiso Maraykanka.

  • Deganayaasha Daanta Galbeed –

Trump ayaa cunaqabatayn kala noqday dadkii rabshadaha watay ee Israa’iil ee ku noolaa Daanta Galbeed ee la haysto ee lagu eedeeyay tacaddiyada ka dhanka ah Falastiiniyiinta, isagoo meesha ka saaray tallaabo aan horay loo arag oo uu qaaday maamulka Joe Biden.

Cuba –

Isaga oo ka noqday mid kale oo ka mid ah talaabooyinkii u dambeeyay ee Biden, Trump waxa uu Cuba ku celiyay liiska madow ee dawladaha maalgeliya argagixisada.

Biden waxa uu Cuba ka saaray liiska maalmo ka hor taas oo qayb ka ahayd heshiis lagu sii daayay maxaabiista.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments