Google search engine
HomeWararka MaantaSomalia oo cambaaraysay wakiilka Israel u magacday Somaliland.

Somalia oo cambaaraysay wakiilka Israel u magacday Somaliland.

Sahan Media Muqdisho: Dowladda federalka ah ee Somalia ayaa si adag u cambaaraysay tallaabadii ay xukuumadda Yuhuuddu safiirka cusub ugu soo magacawday deegaamada maamulka Somaliland oo qayb ka ah Jamhuuriyadda Somalia.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somalia ayaa lagu sheegay in Somaliland qayb ka tahay Somalia cidkasta oo hanaan diblumaasiyadeed ula macaamishana ay jebinayso shuruucda caalamiga ah.

“Dowladda Federaalku waxay si cad u diidaysaa isku day kasta oo lagu bixinayo aqoonsi diblomaasiyadeed ama siyaasadeed qayb kasta oo ka mid ah dhulkeeda; Somaliland waxay weli tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya. Cid kasta oo doonaysa in ay u muujiso inay tahay maamul gaar waa mid aan sal sharci ah lahayn, kana hor imanaysa axdiga caalamiga”, Ayaa lagu yiri qoraalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments