Google search engine
HomeWararka MaantaHeesaa Rapper d4vd ayaa la xiray isaga oo looga shakisan yahay in...

Heesaa Rapper d4vd ayaa la xiray isaga oo looga shakisan yahay in uu dilay  Celeste Rivas oo gabar 14 jir ah

Sahan Media Muqdisho: Fanaanka caanka ah ee David Anthony Burke oo dhinaca masraxa loo yaqaano d4vd ayaa la xiray isaga oo looga shakisan yahay in uu dilay gabadh 14 jir ah oo jidhkeeda la jarjaray lagana helay gaari magaciisa ku diiwaan gashan.

Booliiska Los Angeles ayaa heesaagan 21-jirka ah xabsiga u taxaabay khamiisti isagoo lagu eedeynayo “dilkii Celeste Rivas”, waaxda booliska ee magaalada ayaa bayaan ku sheegtay.

Xariga Burke ayaa yimid todobo bilood ka dib markii booliisku ay heleen maydka Rivas oo jirkeeda si xun u go’ay go’ay kuna jiray jirridda gaariga Tesla..

Baarayaasha ayaa gaariga ka helay labo bacood oo madow – mid waxa ku jiray madax jirkiisa ka go’ay iyo midda kale waxaa ku jiray xubno kale oo jir ah, sida lagu sheegay dacwadda maxkamadda. Baaritaanka meydka ayaa shaaca ka qaaday in Rivas “ay u muuqatay in ay ku dhex dhimatay”.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha ee Degmada LA ayaa dib u eegis ku samayn doona kiiska ka dhanka ah Burke maalinta Isniinta ah.

Qareenada Burke ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegeen inay “si adag u difaaci doonaan”heesaaga.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments