Google search engine
HomeWararka MaantaLubnaan iyi islllllll oo ay ka dhaqan gashay xabadjoojin

Lubnaan iyi islllllll oo ay ka dhaqan gashay xabadjoojin

Sahan Media Muqdisho: Xabbad joojin 10 maalmood ah ayaa ka dhaqan gashay Israa’iil iyo Lubnaan. Xabbad-joojintan ayaa subaxnimadii hore ee maanta uu ku dhawaaqay madaxweyne Trump.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in xabbad joojinta ay ku jirto Xisbullah, wuxuuna sidoo kale daaha ka qaaday in ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo madaxweynaha Lubnaan ay ku kulmi karaan Washington toddobaadka ama labada toddobaad ee soo socda.
Israa’iil ayaa sii waday duqeymaha ay ku hayso koonfurta Lubnaan saacada ka hor inta aysan bilaaban xabbad joojinta. Tirada dhimashada weerarada Israel ee Lubnaan ayaa gaartay 2,196 Khamiistii.

Xabad joojinta ayaa waxaa soo dhaweeyay wadamo badan oo gobolka ah oo ay ku jiraan Iran, Qatar iyo Urdun.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Maraykanku “aad ugu dhow yahay” inuu heshiis la galo Iran, wuxuuna sheegay in kulan kale oo labada dal dhex mara uu dhici karo dhammaadka toddobaadkan.
Hogaamiyaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Iran ay ogolaatay in aysan yeelan doonin hubka Nukliyeerka, heshiiska hadda laga wada xaajoodayna uu yahay mid ka badan 20 sano, walow ay diiday Iraan.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay ku wareejiyeen 14 markab 72 saac gudahood tan iyo markii ay Washington go’doomisay dekedaha Iran ay dhaqan gashay.
Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa diiday dadaal dimuqraadi ah oo lagu doonayay in lagu xakameeyo awoodda Trump ee ah in uu dagaal ku qaado Iran.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments