Abdisatar Ahmed Hassan ayaa ah ninka lagu xukumay inuu isku dayay inuu taageero ISIS.
Dukumiintiyada Maxkamadda ayaa muujinaya C/sataar Axmed Xasan, oo 23-jir ah, oo 102 bilood ku sugayay xabsiga in la xukumo ayaa la xukumay, kaddib markii uu qirtay dambiga ah inuu isku dayay inuu ku taageero ISIS agab, buunbuunin ama faafin uu u fidiyay Daacish.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Xasan uu bilaabay faafinta iyo wadaagista borobogaandada Daacish sanadkii 2024-kii, isaga oo daawado muuqaalo rabshado wata iyo buuga ku saabsan sida loo sameeyo walxaha qarxa.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in Xasan uu si joogta ah ula xiriiro kooxda Daacish ee Soomaaliya, waxaana uu sameeyay qorshe uu uga tagayo Mareykanka si uu ugu biiro kooxda Daacish.
Bishii Disembar 2024, wuu ka tagay shaqadiisa, wuxuu isticmaalay kaydkiisii dhaqaale, wuxuu ku iibsaday tigit diyaaradeed oo one way ahama hal-jid ah oo uu ka soo iibsaday Minneapolis rabayna inuu aado Soomaaliya. Saraakiisha FBI-da ayaa joojiyay isku daygiisii ugu horreeyay ee socdaal ee Minneapolis-St. Paul International Airport sababo la xiriira dukumentiyo ka maqnaa. Kadib markii uu helay waraaqihii loo baahnaa, ayuu mar kale isku dayay safarkiisa isagoo ka duulay Minneapolis kuna socday Chicago, balse waxaa joojiyay Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha ka hor inta uusan raacin duulimaadkiisii caalamiga ahaa.
Xasan wuxuu ka hor qirtay wakiilada CBP inuu aaminsan yahay ISIS oo uusan taageersanayn dimuqraadiyadda.
Ka dib markii uu ku soo laabtay Minnesota, waxa uu sii waday in uu internetka ku baahiyo waxyaabo taageersan ISIS, oo ay ku jiraan ammaanta weerarkii lagu hoobtay ee New Orleans iyo muuqaallo isaga oo wata calaamado iyo hub ISIS.
FBI-da ayaa xabsiga u taxaabtay Xasan bishii February 27, 2025, xilligaasi oo uu watay calanka ISIS oo macmal ah iyo mindi. Wuxuu qirtay dambiga Sebtember 29, 2025, waxaana la xukumay Abriil 22, 2026.
Wakiilka Gaarka ah ee Waaxda FBI-da ee Minneapolis Christopher D. Dotson ayaa la wadaagay warbaahinta bayaanka soo socda:
“Cabdisatar Xasan waxa uu qaaday tillaabooyin firfircoon isku dayga ah in uu ku biiro oo uu taageero ISIS—urur argagixiso shisheeye ah oo arxan daran oo mas’uul ka ah dhimashada, qalalaasaha iyo kumanaan qof oo aan waxba galabsan. Shaqsigan xukunka lagu riday maanta ayaa shacabka ka saaraya qof doonaya inuu noqdo argagixiso, wuxuuna farriin cad u dirayaa in FBI-da iyo saaxiibadeenu ay si aan kala joogsi lahayn u baacsan doonaan cid kasta oo doonaysa inay ku biirto ama taageerto urur argagixiso oo ajnabi ah.


