Google search engine
HomeWararka MaantaHeyadda ganacsiga badaha (UKMTO) oo soo saartay digniin ku aadan xeebaha bari...

Heyadda ganacsiga badaha (UKMTO) oo soo saartay digniin ku aadan xeebaha bari ee Soomaaliya

Sahan Media Muqdisho: Maamulka badaha ayaa ka digaya khatarta sii kordheysa ee ku wajahan maraakiibta ku sugan xeebaha Soomaaliya bari kadib markii shalay markabkii labaad oo xamuul uu noqday markabkii ugu dambeeyay ee lagu qabto fal burcad badeednimo.

Markab nooca xamuulka qaada ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu af-duubtay xeebaha Soomaaliya, iyadoo shaqsiyaad burcad badeed ah ay la wareegeen gacan ku heynta badda, sida ay sheegtay hay’adda ganacsiga badaha ee UK (UKMTO).

Dhacdadan ayaa laga soo sheegay in ay ka dhacday meel 6 nautical miles (6.9 miles) waqooyi bari kaga beegan Garacad, Soomaaliya, sida ay UKMTO ku sheegtay baraha bulshada.

“Waxaa la sheegay in dad aan ogolaansho u haysan in ay la wareegeen markab xamuul kadibna dib loo jiheeyay gudaha dhul badeedka Somalia,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ugu yaraan afar markab ayaa todobaadkii u dambeeyay lala beegsaday shilal looga shakisan yahay burcadbadeednimo oo ay ku jiraan markab kalluumeysi iyo markab shidaal.

UKMTO waxay kula talisay maraakiibta aagga inay taxaddar muujiyaan iyadoo ay jiraan khataro amni oo heerkoodu sarreeyo.

Maraakiibta waxaa lagula talinayaa inay si taxadar leh u gudbaan oo ay soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo,” ayay tiri hey’adda ganacsiga badaha.

Warku wuxuu intaa ku daray in ciidamada ay hadda wadaan baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen.

Faah faahin dheeri ah lagama bixin sida shaqaalaha markabka, xamuulka, iyo aqoonsiga dadka ku lugta leh afduubka markabka.

maadaama uu dhamaanayo heshiiska Somalia iyo Yurub ee ilaalinta badda Somalia, malaga yaabaa in ay saamayn ku leeyihiin burcad-badeedda

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments