Sahan Media Muqdisho: Ururka Caalamiga ah ee duulimaadka Cirka (IATA) ayaa bilaabay tijaabo ah qarashaka & dejinta Qorshaha (BSP) ee Soomaaliya, taas oo u gogol xaaraysa in si buuxda loo bilaabo adeegga shaqadan dhammaadka May 2026, hay’adda duulimaadyada caalamiga ah ayaa ku sheegtay bayaan ka soo baxay Addis Ababa 30-kii Abriil.
Duulimaadyadan waxaa ka qeyb galaya afar shirkadood iyo dhowr diyaaradood oo dalka ka shaqeeya oo ay ku jirto Ethiopian Airlines. Nidaamku wuxuu u furmi doonaa dhammaan shirkadaha diyaaradaha iyo in ka badan 300 oo wakiillo socdaal ah oo ka hawlgala dalka laga bilaabo May 2026.
Daahfurka ayaa caawinaaya hamiga dowladda Soomaaliya ee ah in ay kobciso waaxdeeda duulista iyo ballaarinta isku xirka caalamiga ah, ayay tiri IATA.
BSP waa nidaam caalami ah oo fududeeya dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee ka dhexeeya wakiilada iibka tigidhada rakaabka ee ay IATA aqoonsan tahay iyo shirkadaha diyaaradaha, dabagalka, maaraynta iibka tigidhada hawada iyo isu socodka maaliyadeed ee tooska ah ee u dhexeeya in ka badan 400 diyaaradood iyo tobanaan kun oo wakiilo ah oo caalami ah.
Sannadkii 2025, BSP waxa ay farsamaysay in ka badan 700malyan macaamil ganacsi oo 180 waddan ah, oo wadartoodu ahayd $242bn.
“Soomaaliya waxay joogtaa marxalad muhiim ah oo isbedel dhanka duulimaadyada ah, kobaca isku xirnaanta heer gobol iyo heer caalami waxay saldhig u tahay hamigeena ku aaddan dib u soo nooleynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo inaan Muqdisho ka dhigno xudunta isu socodka gaadiidka Geeska Afrika,” ayuu yiri wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed Faarax Nuux.
“In kasta oo lasoo maray tobanaan sano oo dhibaato ah, haddana dowladda federaalku waxay samaysay tallaabooyin lagu ammaano dib u dhiska iyo casriyeynta dhinac kasta oo ka mid ah nidaamka duulista rayidka ah, tani waxay sii kordhinaysaa dejinta habab maaliyadeed oo lagu taageerayo kobaca gaadiidka cirka, taasoo furitaanka BSP ay bixin doonto,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.
Madaxweyne ku xigeenka gobolka IATA ee Afrika iyo Bariga Dhexe Kamil Alawadhi ayaa sheegay in tallaabadani ay qayb ka tahay hindisaha Focus Africa ee hada socda.
“Dardargelinta hirgelinta adeegyada maaliyadeed ee wax ku ool ah waa tiir muhiim u ah hindisaha IATA ee Focus Africa,” ayuu yiri Alawadhi.
Dalku wuxuu leeyahay qurbo-joog la taaban karo oo caalami ah oo lagu qiyaaso in ka badan 2mn, oo leh jaaliyado waaweyn oo ku nool Boqortooyada Ingiriiska, Maraykanka, Sweden, Jarmalka, Norway, Kanada, UAE iyo Kenya. Safarka qurba-joogta iyo isu-socodka xawaaladaha ayaa horseeday kobaca baahida gaadiidka cirka.
Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadda ka howlgala shirkado ay ka mid yihiin Ethiopian Airlines, Turkish Airlines, Flydubai, Qatar Airways, Kenya Airways iyo African Express Airways. Madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport ee Somaliland waxa uu u shaqeeyaa sidii xudunta gobolka.
Soomaaliya waa ka qaybqaadatay barnaamijka IATA ee Focus Africa, oo la bilaabay 2023 si loo dardargeliyo horumarinta waaxda duulista Afrika iyo wax ka qabashada caqabadaha qaab dhismeedka oo ay ka mid yihiin dib u celinta lacagaha, macaamilka maaliyadeed iyo iswaafajinta sharciyeed.


