HomeWararka MaantaSoomaali loo xiray weerarkii London

Soomaali loo xiray weerarkii London

Sahan Media Muqdisho: Labo nin oo Yahuud ah ayaa lagu tooriyeeyay deegaanka Golders Green ee waqooyiga magaalada London, waxaana falkan ay boolisku ku tilmaameen mid argagaxiso.

Raggan oo magacyadooda lagu kala sheegay Shilome Rand, 34 jir ah, iyo Moshe Shine, oo 76 jir ah, ayaa lagu daweeyay goobta, xaaladdooduna hadda way wanaagsan tahay ayagoo wali isbitaalka ku jira, sida uu sheegay Booliska.

Nin 45 jir ah oo haysta dhalashada Britain, kuna dhashay Soomaaliya, ayay booliisku ku rideen aaladda Tas er-ka si ay u qabtaan ka hor inta aan la xirin isaga oo looga shakisan yahay isku day dil, sida ay ciidamadu sheegeen. Eedeysanaha ayaa hadda xiran.

Raiisel wasaare Sir Keir Starmer ayaa sheegay in “Weerarada ka dhanka ah bulshadeenna Yuhuuda waa weeraro ka dhan ah Britain”.

Booliska ayaa sheegay in saraakiishooda ay jawaabeen 11:16 xilliga Ingiriiska Arbacadii ka dib markii ay heleen warbixino sheegaya in dadka lagu tooriyeeyay Highfield Avenue, taasoo ka baxsan Golders Green Road London.

Tuhmanaha ayaa sidoo kale isku dayay in uu tooriyeeyo saraakiishii ka qeybgashay qabashadiisa, sida uu booliska sheegay, laakiin midna ma dhaawacmin.

Fiidiyow lagu wadaagay baraha bulshada ayaa muujinaya laba askari oo u soo dhawaaday ninka ka hor inta uusan mid Taser ku ridin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments