HomeWararka MaantaMaraykanka oo maraakiibta kala baxaya bariga dhexe maalmaha soo socda

Maraykanka oo maraakiibta kala baxaya bariga dhexe maalmaha soo socda

Sahan Media Muqdisho: Markabka USS Gerald R. Ford ee xambaara diyaaradaha ayaa lagu wadaa inuu ka ambabaxo Bariga Dhexe oo uu ku laabto dalkiisa maalmaha soo socda iyadoo wadahadalada nabadeed ee Iran ay weli hakad ku jiraan.

The Washington Post oo soo xiganeysa saraakiil badan oo Mareykan ah, ayaa soo warisay in mid ka mid ah seddexda markab ee diyaaradaha Mareykanka ee la geeyay Bariga Dhexe la filayo inay dib ugu soo laabtaan dekeddooda ku taal Virginia bartamaha bisha May ka dib markii muddo 309-maalmood oo howlgal ah ay dibadda jireen, kaasoo ah mudada ugu dheer oo markab diyaaradaha Mareykanka casriga ah sameeyo.

Bixitaanka Ford kadib waxaa sii joogi doona USS George H.W. Bush iyo USS Abraham Lincoln oo ka hawlgala badda Carabta, halkaas oo ciidamada badda ay dhaqan galiyeen go’doomintii Maraykanku ku soo rogay maraakiibta saliidda ama badeecadaha ka soo qaada dekedaha Iran.

Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) si degdeg ah ugamay jawaabin warbixinta The Washington Post, balse waxa uu ku qoray barta bulshada ee X goor dambe oo Arbacadii ahayd. Maraykanka iyo Israa’iil ayaa weerar wadajir ah ku qaaday Iran 28-kii bishii Febraayo.

Howlgallada Mareykanka iyo Israa’iil ayaa dilay in ka badan 3,300 oo qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Iiraan, ka hor inta aysan Washington iyo Tehran ku dhawaaqin xabbad joojin laba toddobaad ah 8-dii Abriil oo ay dhexdhexaadinaysay Pakistan.

Iyadoo markii hore loo qorsheeyay inuu dhaco 22-ka Abriil shir kale ayaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu ku dhawaaqay xabbad-joojin dheeraad ah Abriil 21keedii ka dib codsi ka yimid ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif iyo taliyaha militariga Asim Munir.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments