HomeWararka MaantaMaxaad ka taqaan sababta burcad-badeedu uga soo badanayso Soomaaliya?

Maxaad ka taqaan sababta burcad-badeedu uga soo badanayso Soomaaliya?

Sahan Media Muqdisho: Yaa ka dambeeya afduubyadan, maxaase keenaya kororkan cusub? ilo aan xogagaal ahayn ayaa sheegaya inay saamayn ku leeyihiin ilo badan oo aan la xajiijin karin marka la fiiriyo kororka dagdagga ah ee afduubyadan.

Ilaa hadda ma cadda kooxaha ka dambeeya weeraradan. Horey waxaa afduubyo ugu lug lahaa kalluumeysato deegaanka ah iyo kooxo hubeysan oo kala duwan, oo ay ku jiraan kuwa gacan saarka la leh ISIL (ISIS) iyo Al-Qaacida.

Falanqeeyayaasha ayaa qiyaasaya in u weecinta ilaalada la dagaalanka budhcad-badeedda la weeciyay tan iyo 2023 ilaa badda cas si ay uga hortagaan weerarada Xuutiyiinta Yemen ee ka socda marinka Bab al-Mandeb iyo isku xira gacanka cadmeed iyo badda cas, ay abuurtay fursad. qaar kalana waxay leeyihiin waxaa dhamaanaya heshiiskii Yurub ee ilaalinta badda Somalia si cusbooneysiinta ay u sahlanaato.

Dhowaan ayay ahayd markii roondada ciidamada badda ee qaar ka mid ah wadamada horey gacan uga geystay xakameynta khatarta burcad badeeda ay ku mashquuleen ilaalinta maraakiibta isticmaala marin biyoodka Hormuz oo Iran iyo Mareykanka ay xanibeen.

Saddex ilaa afar markab oo ganacsi ayaa la rumeysan yahay in lagu qabtay meel u dhow xeebaha Soomaaliya tan iyo 20-kii April.

Ciidamada badda ee Midowga Yurub ee EUNAVFOR ayaa sheegay in ciidamada badda Puntland ee PMPF ay ku wargeliyeen afduubkii markabka Alkhary 2 ee 20-kii bishan April lagu afduubtay kaas oo ah markabka kalluumeysi.

Warar ay heshay warbaahinta ayaa sheegaya in xeebaha waqooyiga Soomaaliya laga soo qabtay markab kaluumaysi oo sitay calanka Soomaaliya, kadibna la sii daayay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments