HomeWararka MaantaDiyaaraddii uu ku baxsaday Asad Suuriya oo ku laabatay Dimishiq

Diyaaraddii uu ku baxsaday Asad Suuriya oo ku laabatay Dimishiq

Sahan Media Muqdisho: Diyaarada xamuulka qaada ee Suuriya ayaa xogta duulimaadka iyo warbaahinta Ruushka ay sheegaysaa in Bashaar Al-Asad iyo saraakiishii maamulkiisa ay ka soo saareen Dimishiq habeenkii ay dowladdiisu burburtay ay dib ugu soo laabatay Suuriya, iyadoo ka soo degtay garoonka caalamiga ah ee Dimishiq May 14, 2026, ka dib markii ay muddo fadhiday Saldhigga ciidamada cirka Ruushka ee Hmeimim in ka badan sannad iyo bar.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Ilyushin Il-76T ayaa u diiwaan gashan YK-ATA waxaana maamulaysay shirkada Diyaaradaha ee Syrian Arab Airlines, waxay ka duushay Hmeimim (Ruushka) waxayna ku laabatay Dimishiq 14-kii May,

Sida laga soo xigtay TV-ga Ruushka warbixintiisa, goobaha dabagalka duulimaadka ee diyaaradda ayaa muujinaya in duulimaadkii ugu dambeeyay ee la diiwaan geliyo ka hor inta aysan ku laaban Dimishiq uu ahaa safarkii ay dibadda ugu baxday habeenkii 7-8 December 2024, markaasoo ay ka duushay garoonka caalamiga ah ee Dimishiq kuna sii jeeday Hmeimim saacado yar ka hor inta aan si cad loo shaacinin burburka nidaamkii Asad.

Telefiishanka Al-Araby ayaa ku warramaya in dariiqa duullimaad ee diyaaradda intii ay dhoofaysay ay ahayd mid si ula kac ah looga damiyay GPS-ka, iyada oo ka qarinaysa jidkeeda dhabta ah nidaamyada la socodka diyaaradaha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments