HomeWararka DibaddaSirdoonka Maraykanka oo toogasho ku dilay nin hubeysnaa

Sirdoonka Maraykanka oo toogasho ku dilay nin hubeysnaa

Sahan Media Muqdisho: Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya rasaas laga maqlay meel u dhow Aqalka Cad ee Mareykanka, iyadoo ciidamada ammaanka iyo hay’adaha federaalka ay si degdeg ah uga jawaabeen dhacdadaasi.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in ninkaasi uu rasaas ku furay goob ay ilaalinayeen ciidamada Secret Service-ka ee ku dhow waddada Pennsylvania Avenue. Ciidamada ayaa isna rasaas ku jawaabay, waxaana la sheegay in ninkii weerarka geystay uu dhaawac culus soo gaaray kadibna uu geeriyooday markii isbitaal loo qaaday, uuna ku dhaawacmay qof rayid ah.

Hay’adda Sirdoonka iyo Ilaalada Madaxweynaha ee Secret Service ayaa sheegtay in aysan jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray saraakiishooda, isla markaana xaaladda si degdeg ah loo xakameeyay, xilli Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump la sheegay inuu ku sugnaa Aqalka Cad.

Dhacdadan ayaa kusoo aadaysa xilli dhawaanahan ay sare u kacayeen walaacyada la xiriira ammaanka madaxda sare ee Mareykanka. FBI-da iyo booliska magaalada Washington DC ayaa hadda wada baaritaan ku saabsan sababta weerarkan iyo cidda ka dambeysay, iyadoo la filayo in faahfaahin dheeraad ah la shaaciyo saacadaha soo socda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments