Sahan Media Muqdisho: Maanta waa 9-ka bisha Dul-Xijja, waana maalinta ugu muhiimsan gudashada waajibaadka Xajka, halkaas oo xujeyda ay isugu taagaan buurta Carafa. Soonka maalinta Carafa ayuu qofka muslimka ah ku helaa dambi-dhaaf laba sano ah.
Xujeyda ayaa saakay aroortii kasoo dhaqaaqay Mina iyagoo u jiheystay buurta Carafo, iyadoo in la dul-istaagayo buurta Carafo uu Nebi Muxamed [NNKH] ku tilmaamay inay tahay acmaasha ugu weyn xajka.
Xujeyda ayaa maanta marka ay qoraxdu dhacdo waxay aadi doonaan dhanka Musdalifa, si ay habeenkooda ugu qaataan Alle bari, ama ay u dhameystiraan waajibaadkooda xajka, waxaana ay isku jamcin doonaan salaadda maqrib iyo cisho.
Shacabka muslimiinta ah ayaa maalinta berri ah isku diyaarinaya u dabaal–degidda maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa oo ka mid ah Ciidaha muslimiintu ay tirsadaan.


