HomeWararka DibaddaMaraykanka oo duqaymo ka fuliyay Iran

Maraykanka oo duqaymo ka fuliyay Iran

Sahan Media Muqdisho: Diyaaradaha Maraykanka iyo Israa’iil ayaa duqeeyey maraakiib Iran laga leeyahay oo ku taal koonfurta Jasiiradda Larak ee dalka Iran ee marinka Hormuz, halkaas oo ay ku dileen “dhowr qof oo u dhashay Iran,” sidaas waxaa sheegtay wakaaladda wararka ee Fars ee Iran Talaadadii.

Maraykanku wuxuu sheegay inuu qaaday duqeymo cusub oo ka dhacay koonfurta Iran, isagoo bartilmaameedsaday goobaha gantaallada Iran iyo doomo isku dayayay inay miinooyin dhigaan.

Duqeymahan waxaa loo qaaday “is-difaac ahaan” waxaana loogu talagalay “in lagu ilaaliyo ciidamadeenna khataraha kaga imaanaya ciidamada Iran,” sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Taliska Dhexe ee Maraykanka (US Central Command).

Afhayeenka Taliska Dhexe, Kabtan Tim Hawkins, ayaa sheegay in ciidamada Maraykanku “ay sii wadaan difaaca ciidamadooda iyagoo muujinaya is-xakameyn inta lagu jiro xabbad-joojinta socota” ee u dhexeysa labada dal.

Iran weli kama aysan jawaabin weerarka Maraykanka, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran, Esmail Baqai, ayaa hore u sheegay in inkastoo horumar laga sameeyay wadahadallada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka, haddana heshiis uusan dhaweyn.

Lama oga saameynta ay duqeymahani ku yeelan doonaan heshiis kasta oo nabadeed oo suurtagal ah oo dhex mara Maraykanka iyo Iran.

Kadib duqeymaha, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Marco Rubio ayaa sheegay in heshiis weli suurtagal yahay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments