HomeWararka DibaddaIran oo weerar aargosi ah ku beegsatay Saldhigga ciidamada cirka Maraykanka ee...

Iran oo weerar aargosi ah ku beegsatay Saldhigga ciidamada cirka Maraykanka ee Kuweyt

Sahan Media Tv: Mareykanka ayaa weerar kale oo dhanka cirka ah ku qaaday koonfurta Iran, isagoo soo riday afar diyaaradood oo Iran ay leedahay oo hal jiho ka soo weerartay, kuwaasoo halis ku ahaa marinka Hormuz, sida uu sarkaal Mareykan ah uu xaqiijiyay

Ciidamada Mareykanka waxay sidoo kale duqeeyeen saldhigga laga hago ciidanka dhulka Iran ee Bandar Cabbaas.

“Falalkan waxaa loo sameeyay oo kaliya difaac, waxaana loogu talagalay in lagu ilaaliyo xabbad-joojinta,” ayuu sarkaalku hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegay in ay beegsadeen saldhiga ciidamada cirka Mareykanka ee Kuweyt, taasi oo jawaab u aheyd duqeymo dhanka cirka ah oo Mareykanka uu ka geystay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Bandar Abbas ee koonfurta Iran.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Iran ee Tasnim News Agency, IRGC waxay sheegtay in weerarka aargoosiga ah uu yimid 4.50 subaxnimo (0120GMT), saacado ka dib markii uu Maraykankaa weerar ku qaaday meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada dekedda isaga oo adeegsanaya gantaalada hawada.

“Jawaabtan waa digniin culus si cadawgu u ogaado in gardarada aysan jawaab la’aan ahayn, hadii ay soo noqnoqdaanna jawaabteena waxay noqon doontaa mid go’aan qaadasho leh” ayaa lagu yiri qoraalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments