Sahan Media Muqdisho: Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan oo Soomaali ah ayaan ka qeyb geli doonin Koobka Adduunka ka dib markii loo diiday inuu galo Mareykanka, FIFA ayaa xaqiijisay Isniintii.
Markii wax laga weydiiyay kiiska Cartan, af hayeenka Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha Mareykanka ayaa CNN u sheegay inuu maray kormeer dheeri ah markii uu yimid Miami ka dib duulimaad ka yimid Istanbul.
“Intii lagu guda jiray howsha, socotada ayuu maray kormeer dheeri ah, waana qayb caadi ah oo ka mid ah nidaamka baarista CBP marka saraakiisha ay u baahan yihiin inay xaqiijiyaan macluumaadka ama go’aamiyaan ogolaanshaha,” afhayeenku wuxuu yiri. “Kadib kormeerka, socdaalka, garsooraha Koobka Adduunka ee FIFA, waxaa la go’aamiyay inaan la aqbali karin sababo la xiriira walaac dheeri ah waana loo diiday inuu galo.”
Garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Cumar Cabdulqaadir Aadan (Omar Artan), ayaa laga hor istaagay inuu galo Mareykanka maalmo un ka hor bilaabashada Koobka Adduunka ee 2026, inkastoo uu watay fiiso sax ah, sida ay baahiyeen warbaahinta caalamiga ah.
Artan, oo loo aqoonsaday Garsooraha Afrika ee Sanadka 2025 isla markaana ka mid ahaa toddobada garsoore ee Afrika u matali lahaa tartanka, ayaa la filayay inuu noqdo garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee dhex dhexaadiya ciyaaraha Koobka Adduunka.
Wararku waxay sheegayaan in markii uu gaaray Mareykanka loo diiday gelitaanka dalka, kaddibna dib loogu celiyay Turkiga.
Kheyre aya ka hadlay kiiska Garsoore Cumar Cartan, kuna baaqay in xal degdeg ah la helo.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay wararka sheegaya in garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah Cumar Cabdulqaadir Cartan uu seegi karo ka qaybgalka Koobka Adduunka 2026 sababo la xiriira arrimo dhanka fiisaha ah.
Qoraal uu ku baahiyay bartiisa X, ayuu Kheyre ku tilmaamay Cartan inuu yahay mid ka mid ah garsoorayaasha ugu wanaagsan Afrika iyo dunidaba, isagoo xusay in heerka uu gaaray uu ku yimid karti, dadaal, xirfad iyo daacadnimo uu muddo dheer soo muujinayay.


