HomeWararka MaantaXabad joojinta Iran iyo Isllll oo ku dhaw in ay burburto

Xabad joojinta Iran iyo Isllll oo ku dhaw in ay burburto

Sahan Media Muqdisho: Milateriga IS ayaa sheegay in ciidamada cirka ay soo afjareen “weerar ballaaran oo ka dhan ah nidaamyada difaaca istiraatiijiga ah” ee Iran.

Daraasiin diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo ay hagayeen agaasinka sirdoonka – ayaa ka qeyb qaatay duqeymaha cirka, ayay tiri, iyada oo intaa ku dartay in la bartilmaameedsaday habab difaac oo dhawaan la geeyay meelo kala duwan oo Iran ah.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegay subaxnimadii hore ee Isniintii in ay weerarro ku qaadeen saldhigyada Nevatim iyo Tel Nof ee Israa’iil iyaga oo ka jawaabaya weerarrada cirka ee Israa’iil habeenimadii xalay lagu qaaday goobaha raadaarka ee dalka Iiraan. Wax yar ka dib, ciidamada Israa’iil waxay sheegeen inay ogaadeen gantaallo cusub oo laga soo riday Iran.

Dalka Yemen, Xuutiyiinta xulafada la ah Iran ayaa sheegay in ay rasaas ku fureen Israa’iil, waxayna ku dhawaaqeen inay mamnuuci doonaan socdaalka badda ee Israa’iil ee badda cas.

Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay maalintii Axadda iyadoo ciidamada Iran ay mowjado gantaallo ah ku qaadeen waqooyiga Israa’iil, weerarkaas oo ahaa kii ugu horreeyay tan iyo markii ay heshiis xabad joojin ah la galeen Maraykanka iyo Israa’iil bishii April, taasoo ay uga aargoosanayeen weerarrada Israa’iil ay ku qaadday magaalada Beyruut ee ku taalla koonfurta dalkaas

Afhayeenka Taliska Dhexe ee Iran, Ebrahim Zolfaghari, ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu siiyay Israel ogolaansho ay ku weerarto Beirut.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments