HomeWararka MaantaPakistan oo bixinaysa madaxfurasho shaqaale markab oo lagu haysto xeebaha Soomaaliya

Pakistan oo bixinaysa madaxfurasho shaqaale markab oo lagu haysto xeebaha Soomaaliya

Sahan Media Muqdisho: Dowladda Pakistan ayaa sheegtay inay dardargelisay dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu sii daynayo 10 muwaadiniin Pakistani ah oo ka mid ah shaqaalaha markabka MT Honour 25, kaas oo ay afduubteen burcad-badeed ku sugan meel u dhow xeebaha Puntland.

Wasiirka Arrimaha Badaha ee Pakistan, Junaid Anwar Chaudhry, ayaa la xiriiray masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Pakistan iyo safiirka Soomaaliya ee Islamabad, isagoo ku baaqay in la xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo sii deynta shaqaalaha markabka.

Markabka oo wata calanka Palau ayaa la afduubay 21-kii April, waxaana saarnaa 17 shaqaale ah, kuwaas oo 10 ka mid ahi yihiin Pakistani.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in markabku weli ku sugan yahay xeebaha Soomaaliya, halka wada-hadallada lagu sii daynayo dadka la haystana ay socdaan. Sida wararku sheegayaan, burcad-badeedda ayaa markii hore dalbatay madax-furasho dhan 10 milyan oo dollar, balse markii dambe hoos ugu dhigtay 4 milyan oo dollar.

Qoysaska shaqaalaha la haysto ayaa walaac ka muujiyay xaaladda ehelladooda, iyagoo dowladda Pakistan ugu baaqay inay kordhiso dadaallada lagu soo badbaadinayo.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay hay’adaha caalamiga ahi ka digayaan dib usoo laba-kacleynta weerarrada burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo sannadihii la soo dhaafay si weyn hoos ugu dhacay kadib howlgalada ciidamada badda ee caalamiga ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments