Sahan Media Muqdisho: Doorashada Madaxtinimada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa gashay marxalad aad u xasaasi ah, iyadoo magaalada Baydhabo laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo amni xilli ay hal maalin ka dhimman tahay doorashashada loo madlan yahay.
Ammaanka magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana dul heehaabaya diyaarado dagaal, xilli ay jiraan cabsi laga qabo weerarro ama qalalaase ka yimaada ciidamada iyo taageerayaasha madaxweynihii hore ee maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
Musharaxiinta ka soo horjeeda Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa weli ku adkeysanaya in geeddi-socodku noqdo mid hufan oo lagu kalsoonaan karo, iyagoo soo bandhigay saddex qodob oo wali dood adag ka taagan tahay.
Musharixiinta ayaa dalbadanaya in guud ahaanba hoolka doorashada laga mamnuuco taleefannada gacanta si aan xildhibaannadu sawirin warqadaha codkooda, hase yeeshee musharaxiinta mucaaradka ayaa arrintaas ka biyo-diidan, halka Villa Soomaaliya ay si weyn ugu dheggan tahay hirgelinteeda.
Dhanka kalena, musharaxiinta mucaaradka ayaa dalbanaya in doorashada lagu qabto goob amni ahaan dhexdhexaad ah oo ay sugaan ciidamada Midowga Afrika, xilli dowladdu ka fekerayso in doorashadu ka dhacdo xarun dowladeed ama madaxtooyo xilli habeen ah, taas oo sii kordhisay walaaca laga qabo daahfurnaanta codbixinta.
Ugu dambayntiina mucaaradka ayaa dalbanaya in Aadan Madoobe uu iska casilo xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka inta uu musharraxa yahay, si uu ula tartamo musharaxiinta kale isagoo aan haysan awoodda xilkiisa qaran, dalabkaan oo uu si cad u diiday Aadan Madoobe, taas oo sii adkaysay ismari-waaga siyaasadeed ee hareeyay doorashada Koonfur Galbeed.


