Sahan Media Muqdisho: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay sii wadayso dadaallada lagu xaqiijinayo badqabka iyo sii-deynta muwaadiniinta Pakistan ee saaran markabka MT Honour 25, kadib wada hadal telefoon oo dhex maray wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cali, ayaa la hadlay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, Senator Mohammad Ishaq Dar, iyadoo labada dhinac ay diiradda saareen xaaladda markabka iyo tallaabooyinka lagu dardargelinayo xal u helidda arrintaas.
Wasiirka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay taageersan tahay dhammaan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo sii-deynta dadka saaran markabka, halka labada masuul ay isku raaceen in la joogteeyo xiriirka iyo wada-shaqeynta ilaa laga gaarayo natiijo la taaban karo.

Sidoo kale, labada wasiir ayaa dib u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Pakistan, iyagoo muujiyay rajada laga qabo in iskaashiga labada dal uu sii ballaarto, gaar ahaan dhinacyada danaha wadaagga ah.
Wadahadalkan ayaa ka tarjumaya dadaallada diblomaasiyadeed ee socda ee lagu raadinayo xal degdeg ah oo ku saabsan xaaladda markabka MT Honour 25.


