HomeWararka MaantaKursigii uu banneeyay Adan Madoobe oo tartankiisa billowday

Kursigii uu banneeyay Adan Madoobe oo tartankiisa billowday

Sahan Media Muqdisho: Doorashadii Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee ay ku guuleysteen dhinacyada taageersan Villa Somalia ayaa u soo jeestay dhinaca Muqdisho, halkaas oo la filayo inuu ka bilowdo loolanka kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee uu baneeyay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) kadib markii loo doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Xildhibaannada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee ku jira safka dowladda federaalka, kuwaas oo door weyn ka qaatay guusha Baydhabo, ayaa hadda dadaal ugu jira cidda la wareegi doonta kursiga 4.5 ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Sida muuqata, waxaana loollanka ugu adag dhexmari doonaa xubnaha dowladda katirsan, iyadoo kooxo kala duwan ay bilaabeen ololaha iyo is abaabulka kursigaas muhiimka ah.

Dhanka kale, mucaaradka ayaan weli si muuqata ugu lug yeelan loolanka cusub, maadaama ay aaminsan yihiin in Golaha Shacabka uu dhammaaday muddo xileedkiisii sharciyadeed, islamarkaana aanay suuragal ahayn in la qabto doorasho cusub oo guddoon iyadoo aan marka hore la xallin khilaafaadka la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka.

Si kastaba ha ahaatee, haddii Villa Somalia ku guuleysato inay si degdeg ah u maamusho doorashada guddoomiyaha cusub, waxay sii xoojin kartaa gacan ku haynta hay’adaha sharci dejinta, halka mucaaradkuna ay u arkaan tallaabadaas mid sii fogeyn karta isku fahamka siyaasadeed ee looga baahan yahay geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments