HomeWararka MaantaRaisal wasaare Xamza oo soo gaaray Dhuusamareeb

Raisal wasaare Xamza oo soo gaaray Dhuusamareeb

Sahan Media Muqdisho: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa safar shago kusoo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug, halkaasi oo uu maalmaha soo socda ku sugnaan doono.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa si diirran usoodhoweeyay madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Agaasimaha hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad iyo qeybaha kala duwan bulshada.

Safarka Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa daarran xoojinta dowlad-dhiska, isaga oo inta uu joogo magaalada Dhuusamareeb kulammo la qaadan doona hoggaanka dowlad-goboleedka Galmudug, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments