Sahan Media Muqdisho: Booliska Toronto ayaa sheegay in haweeney 31 jir ah ay dhimatay ka dib markii toogasho ka dhacday guri dabaq ah oo ku yaala bartamaha magaalada subaxnimadii Sabtida.
Qoraal ay soo dhigeen baraha bulshada ayay booliiska Toronto ku sheegeen in loogu yeeray toogasho ka dhacday Waddada Jarvis iyo agagaarka Waddada Dundas abbaare 9:30 subaxnimo.
Saraakiisha ayaa ka helay haweeney lagu toogtay gudaha qeyb guri dabaq ah. Subaxnimadii Sabtida, booliiska Toronto ayaa sheegay in dhibbanaha loo qaaday isbitaalka iyadoo qabta dhaawacyo halis ah.
Warbixin uu soo saaray fiidnimadii Axadda, booliiska Toronto ayaa haweeneyda magaceeda ku sheegay Iman Qaawane.
Isagoo la hadlayay suxufiyiinta Sabtidii, Insp. Dan Pravica ayaa sheegay in haweeneyda la xaqiijiyay in ay ku dhimatay isbitaalka. Waxa uu sheegay in falkaasi loo baarayo inuu yahay dil..
Saacado kadib booliiska Toronto waxay sheegeen in nin 25 jir ah oo ka soo jeeda New Tecumseth, Ont., lagu soo oogay dacwad dil heerka labaad ah. Waxaa loo qorsheeyay inuu ka soo muuqdo Xarunta maxkamada Dammaanadda Gobolka Toronto.
Baarayaasha ayaa hadda xaqiijiyay in dhibanaha oo lagu sheegay 31-jir Iman Khawane, daggan Toronto ah, in ay is garanayeen dilaaga.
Iimaan Qaawane waa dilki 16-aad ee ka dhaca magaalada Tronto sanadkan.


