Sahan Media Muqdisho: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday fariisimo iyo dhaqdhaqaaqyo ay lahaayeen Al-Shabaab.
Howlgalka koowaad waxaa fuliyay Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, kaas oo ka dhacay Leego, Warta Madax Maroodi, Iidow Jalaat iyo Saaxweyn. Sida ay ciidamadu sheegeen, ujeeddada howlgalka ayaa ahayd sugidda amniga, xoojinta joogitaanka dowladda iyo baaritaanka waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah si looga hortago dhaqdhaqaaqyada kooxda.
Howlgal kale oo ay fuliyeen ciidamada Ururka 251-aad ee Guutada 25-aad ayaa ka dhacay deegaannada Shabeeley, Bangaley, Fay Yuusuf iyo Cismaan Dure ee hoostaga Toora-tooroow. Ciidamada ayaa sheegay inay halkaas ku burburiyeen fariisimo ay Al-Shabaab u adeegsan jirtay gabaad iyo abaabul weerarro.
Taliyaha Ururka 251-aad, Maxamed Xasan Abuukar (Dhala-dheere), ayaa sheegay in howlgalka lagu fashiliyay qorshayaal, sida uu hadalka u dhigay, lagu dhibaateyn lahaa dadka rayidka ah.
Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa xusay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay ka socdaan jihooyin kala duwan oo dalka ah, iyadoo saraakiishu sheegeen in la sii wadi doono gulufka lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda kooxda.


