Sahan Media Muqdisho: Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta soo dhoweyn heer sare ah u sameeyay Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Munaasabadda soo dhoweynta ayaa ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde), iyadoo loo sameeyay soo dhawayn heer sare ah.
Booqashadan ayaa muujinaysa xiriirka qotada dheer ee walaaltinimo iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo saldhig u ah iskaashi ballaaran oo dhinacyada amniga iyo difaaca ah.




