Sahan Media Muqdisho: Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabay Golaha Wasiirrada cusub ee dowlad-goboleedka K/Galbeed, isagoo sheegay in magacaabistan ay salka ku hayso Dastuurka Koonfur Galbeed iyo baahida loo qabo dardargelinta howlaha dowladda sida laga sii daayay Telefishinka Koonfur Galbeed.
Golaha cusub waxaa loo magacaabay wasaaradaha kala duwan ee Koonfur Galbeed, iyadoo Isaaq Maxamed Isaaq loo magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha, Xuseen Maxamed Xaaji Wasiirka Maaliyadda, Cabdulqaadir Cumar Cabdullaahi (Baasto) Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamed Cusmaan Maxamed Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, halka Fahad Maxamed Xuseen loo magacaabay Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda.
Sidoo kale, Nuur Siidow Baabaa ayaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada, Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa maye Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Maxamed Cusmaan Xaaji Jiidoow Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, halka Sahra Cusmaan Axmed loo magacaabay Wasiirka Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqda Aadanaha.
Wareegtada ayaa sidoo kale lagu magacaabay wasiiru-dawlayaal iyo wasiir-ku-xigeenno ka shaqeyn doona wasaaradaha kala duwan ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.






