HomeWararka MaantaKu dhowaad 29 qof oo ku dhintay dab ka kacay warshad kabo...

Ku dhowaad 29 qof oo ku dhintay dab ka kacay warshad kabo oo ku taala Shiinaha

Sahan Media Muqdisho: Ku dhowaad 30 qof ayaa ku dhintay dab khamiisti ka kacay samaysa kabaha oo ku taalla gobolka koonfur-bari ee Shiinaha ee Fujian, sida ay baahisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Xinhua.

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa dalbaday in la sameeyo hawlgal samatabixin iyo baadigoob buuxa, isagoo sidoo kale ku baaqay in si degdeg ah loo baaro sababta keentay dabka iyo in si adag loola xisaabtamo cid kasta oo mas’uul ka ah shilkaas.

Dabka ayaa ka billowday warshadda shirkadda kabaha ee Huiteng oo ku taalla magaalada Jinjiang, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay waaxda dab-damiska ee magaalada. Sababta dabka dhalisay ayaan weli la ogeyn. Magaalada Jinjiang ayaa ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee wax-soo-saarka kabaha ciyaaraha ee Shiinaha.

Markii uu dabku kacay, waxaa gudaha dhismaha ku sugnaa 237 shaqaale warshadda ka shaqaynayay. Mas’uuliyiintu waxay ka soo badbaadiyeen 213 qof, waxaana laba ka mid ah la sheegay inay dhinteen markii isbitaalka la geeyay. Intaa ka dib, 26 qof oo markii hore la la’aa ayaa la xaqiijiyay inay geeriyoodeen, sida uu sheegay telefishinka dowladda ee CCTV.

Wakaaladda wararka ee Xinhua ayaa sheegtay in milkiilaha warshadda iyo mas’uuliyiin kale oo shirkadda ka tirsan la xiray, isla markaana la hakiyay (la xannibay) dhammaan akoonnada bangiyada ee shirkadda iyadoo baaritaanku socdo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments