Sahan Media Muqdisho: Waxaa xalay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug lagu dilay wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Diiriye Catoosh, kaddib weerar ay la beegsadeen kooxo hubeysan.
Falkaan oo ka dhacay xaafadda Garsoor ee Waqooyiga Magaalada Galkacyo ayaa la rumeysan yahay in kooxdii weerarka geysatay ay isku dayayeen inay ka dhacaan taleefanka gacanta ee marxuumka, taasoo ugu dambeyn sababtay in rasaas lagu furo.
Marxuum Maxamed Diiriye Catoosh ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa ardaydii sanadkan ka qalin-jabisay dugsiyada sare ee Puntland, iyadoo geeridiisa ay murugo ku abuurtay ehelkiisa, saaxiibbadiis iyo bulshada deegaanka.
Dhanka kale, Booliska gobolka Mudug ayaa xaqiijiyay inay bilaabeen baaritaan ku aaddan dhacdada, isla markaana ay socdaan howlgallo lagu baadi-goobayo dad lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilka.
Taliyaha Saldhigga Booliska Warshad Galay, Mahad Siciid Axmed, ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay xoojiyeen baaritaanka iyo raadraaca eedeysanayaasha, ayna wadaan dedaalo lagu soo qabanyo ciddii ka dambaysay falkaasi


