HomeWararka MaantaDekedda Boosaaso oo muddo xiran sabab?

Dekedda Boosaaso oo muddo xiran sabab?

Sahan Media Muqdisho: Dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee dekedda Boosaaso ayaa xiran maalintii tobnaad sababa la xiriira muran ka taagan canshuuro cusub oo ay Puntland iyo shirkadda DP-World ku soo rogeen dekedda Bosaso.

Jaamac Hurre oo kamid ah ganacsatada Boosaaso ayaa sheegay in ganacsatadu aysan diidnayn bixinta canshuuraha waajibka ah, balse ay ka cabanayaan lacagaha dheeraadka ah ee lagu kordhiyay adeegyada dekedda xilli ay jiraan sicir-barar, abaaro iyo hoos u dhac dhaqaale. Wuxuu sheegay in kororkaasi uu culays ku noqonayo ganacsiga iyo macaamiisha.

Sida uu sheegay Hurre, shaqo-joojinta dekedda ayaa hakisay dhaqdhaqaaqii ganacsiga, halka suuqyada Boosaaso ay albaabada u xirteen si ay u muujiyaan taageerada cabashada ganacsatada. Wuxuu ka digay in haddii xal degdeg ah la waayo ay suuragal tahay in mudaharaadyadu ku fidaan deegaanno kale.

Ganacsaduhu wuxuu sheegay in ganacsatadu ay dhowr jeer wada-hadal la yeesheen dowladda Puntland, balse aan lagu guuleysan in heshiis laga gaaro muranka. Wuxuu ku eedeeyay dowladda inaysan weli muujin dadaal wax ku ool ah oo lagu soo afjarayo khilaafka.

Hurre ayaa sidoo kale ka digay in sii xirnaanshaha dekedda uu sababi karo koror ku yimaadda qiimaha badeecadaha iyo yaraanshaha sahayda gaarta Boosaaso iyo deegaannada kale ee ku tiirsan dekedda. Wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha Puntland iyo xukuumaddiisa inay si degdeg ah u bilaabaan wadaxaajood ay la yeeshaan ganacsatada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments