HomeWararka MaantaSiciid Deni: Waxaa jira shaqsiyaad aan wali ka samrin natiijada doorashadii January...

Siciid Deni: Waxaa jira shaqsiyaad aan wali ka samrin natiijada doorashadii January 2024,

Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Puntland, kororka ciidama beeleedyada ku biiraya dowladda federalka ah ee Somalia iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku sugan gudaha iyo dibadda Puntland.

“Waxaan rabnaa inaan qadiyaddeenaa iyo dowladnimadeenna difaacano, dadka mararka qaar yiraahda Puntland waa qabaa’il waa been Puntland waa dowlad, qabaa’ilku waa isu tageen oo dowlad ayey dhisteen”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Dhanka kalena, Madaxweyne Deni ayaa digniin u diray beelaha sheeganaya ciidamada iyo shaqsiyaad uu sheegay inaysan ka samrin natiijada doorashadii January 2024, isagoo sheegay inuu raaci doono wadada dowladnimada Puntland.

“Ninkii raba kaar qabiil inuu xoqdo laga yeeli maayo.

Sidoo kale Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland iyo Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda.

Dhismaha cusub ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud oo ka kooban saddex dabaq ayaa noqonaya xaruntii ugu horreysay ee casri ah oo ay yeelato hay’addan tan iyo aasaaskii Dowladda Puntland sanadkii 1998. Sidoo kale, Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu sameeyey dib-u-dhis iyo ballaarin.

Sidoo kale Dastuurka Puntland ayaa ka hadlay qodobka 79 ee muddada xil haynta madaxweynaha oo inta badan ay siyaasiyiinta mucaaradka diidanaayeen in wax laga baddelo ayaa sidiisii loo daayay oo aan ku jirin qodobada ay soo gudbisay xukuumadda, sida uu sheegay xildhibaan Yaasiin Jaamac Cumar oo faahfaahin ka bixiyay qodobada wax laga baddelo Dastuurka.

Qodobada wax laga baddelo ayuu ku sheegay 37-aad, 41-aad, 44-aad, 47-aad, 74-aad, 81-aad, 113-aad, 126-aad iyo 90-aad, kuwaas oo inta badan la xiriira doorashooyinka qof & cod, dhaqaalaha rayidka ah iyo waqtiga xilhaynta garsoorka.

In wax ka baddel lagu sameeyo Dastuurka Puntland waxaa u codeeyay oo haa ku ogolaatay 41 xildhibaan, wax diiday ma jirin, halka ay ka aamuseen afar mudane, sida lagu sheegay qoraa ka soo baxay baarlamaanka Puntland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments