Sahan Media Muqdisho: Qarax xooggan ayaa laga maqlay gobolka Jubail ee Sacuudi Carabiya, halka ilo wareedyo Carab ah ay sheegeen in xarumaha gaaska ee Jubail Industrial City la bartilmaameedsaday dabna uu ka kacay goobta.
Ilo wareedyo sucuudiga ah ayaa sheegay in xarumaha gaaska ee Jubail Industrial City la bartilmaameedsaday, taasoo keentay dab ka kacay goobta. Warbixinnadu ma bixin faahfaahin ku saabsan nooca dhacdada ama khasaaraha suurtagalka ah.
Dhacdo kale oo gaar ah, Wasaaradda Tamarta ee Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijisay in dab uu ka kacay mid ka mid ah xarumaha shirkadda Aramco ee sifeynta shidaalka ee ku yaalla magaalada Jizan.
Wasaaraddu ma aysan sheegin sababta keentay dabka, balse waxay sheegtay inaysan jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dhacdadaas. Ilo-wareedyo ku sugan gobolka ayaa horay u soo weriyay in la beegsaday xarumaha Saudi Aramco ee Jizan.
Si cad looma ogeyn in dhacdada ka dhacday Jizan ay xiriir la lahayd qaraxa iyo dabka laga soo sheegay magaalada Jubail.


