Sahan Media Muqdisho: Hanti-dhowraha Guud ee Soomaaliya, Axmed Ciise Guutaale, ayaa sheegay in baaritaanno lagu sameeyay hay’adaha dowladda ay soo bandhigeen gaabisyo iyo tabar-darrooyin dhinaca maamulka, u hoggaansanaanta sharciga iyo maaraynta hantida dowladda.
Guutaale ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay dibadda u dirtay 14 diblomaasi, iyadoo aan si buuxda loo raacin shuruudihii looga baahnaa, halka 19 shaqaale loo diray shaqooyin diblomaasiyadeed iyaga oo aan marka hore qaadan tababarkii diblomaasiyadda ee looga baahnaa.
Warbixinta Hantidhowrka ayaa sidoo kale muujisay in 50% hay’adihii dowladda ee baaristu ku samaysay aysan si buuxda u hirgelin ama u adeegsan nidaamyada baarista gudaha, taasoo Hantidhowrku ku tilmaamay arrin u baahan in wax laga qabto.
Sida uu sheegay Hanti-dhowraha Guud, baaritaannadu waxay sidoo kale soo bandhigeen gaabisyo la xiriira diiwaangelinta iyo maaraynta gaadiidka dowladda, heshiisyada dhex-dhexaadinta, diiwaangelinta hantida laga helo deeqaha dibadda, maamulka iyo maaraynta masaajidda iyo awqaafta, kormeerka daawooyinka iyo kaydinta diiwaannada dambiyada.
Hantidhowrka Guud ayaa sheegay in hay’adaha ay khuseyso lala wadaagay talooyin lagu saxayo khaladaadka iyo gaabisyada la ogaaday, iyadoo sidoo kale lagu boorriyay in la xoojiyo hufnaanta, kormeerka gudaha iyo isla-xisaabtanka maaliyadeed, si loo yareeyo khataraha ka dhalan kara maamulka hantida guud.


