HomeWararka MaantaTrump: Iran waa in ay magdhaw iga siisaa dagaalkii ay igu qaaday.

Trump: Iran waa in ay magdhaw iga siisaa dagaalkii ay igu qaaday.

Sahan Media Muqdisho: Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu magdhow ka raadin doono Iiraan khasaaraha ka dhashay dagaalka. Tallaabadan ayaa timid maalmo ka dib markii Tehran ay dalbatay in Washington ay bixiso magdhowga ka dhashay colaadda shanta bilood socotay si ay u furto marin biyoodka Hormuz.

Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in Hoggaamiyaha Sare Mojtaba Khamenei uu gudbiyay farriin midnimo ah kulan uu dhawaan qaatay toddoba saacadood. Pezeshkian ayaa xaqiijiyay in Khamenei uu caafimaadkiisu aad u fiican yahay inkastoo uusan soo muuqan tan iyo markii uu xukunka qabtay.

Xafiiska Khamenei ayaa ku dhawaaqay dhowr magacaabis oo muhiim ah, oo ay ku jiraan magacaabista taliye hore oo xilligii dagaalka ah iyo khabiir siyaasadeed oo khibrad leh si uu u hoggaamiyo hay’adda ugu sarreysa amniga qaranka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments