Sahan Media Muqdisho: Zolani Tete, oo laba jeer ku guuleystay horyaalka adduunka ee feerka, ayaa lagu dilay rasaas meel u dhow gurigiisa oo ku yaalla Koonfur Afrika.
Ninkan oo 38 jir ahaa ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay Mdantsane, oo ka tirsan gobolka Eastern Cape, maalintii Jimcaha.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in Tete uu gaarigiisa ku sugayay in laga furo iridda gurigiisa markii laba qof oo hubaysan, kuwaas oo wajiyada u xirnaa, ay ka soo baxeen gaari kale oo ay wateen, kadibna ay rasaas badan ku fureen isaga iyo haweeney 27 jir ah oo la socotay; haweeneydaas ayaa weli isbitaalka ku jirta.
Wasiirka ciyaaraha, farshaxanka iyo dhaqanka ee Koonfur Afrika, Gayton McKenzie, ayaa yiri: “Koonfur Afrika waxay weyday mid ka mid ah feeryahannadii ugu wanaagsanaa ee ay abid soo saarto.”
McKenzie ayaa intaas ku daray in labadii qof ee looga shakisan yahay falkan ay goobta ka baxsadeen, isla markaana la bilaabay baaritaan ballaaran.
Tete wuxuu haystay horyaalka WBO ee miisaanka ‘bantamweight’ intii u dhaxaysay 2017 ilaa 2019, iyo sidoo kale horyaalka IBF ee miisaanka ‘super-flyweight’ sanadkii 2014-kii.
Tete wuxuu ka adkaaday Paul Butler oo u dhashay Ingiriis magaalada Liverpool sanadkii 2015-kii, taas oo ahayd mid ka mid ah siddeed jeer oo uu ku dagaallamay Boqortooyada Ingiriiska.
Wuxuu sidoo kale haystaa rikoorka adduunka ee Guinness ee guusha ugu dhaqsiyaha badan (knockout) ee dagaal loogu tartamayo horyaal, isagoo ciyaartii uu la galay Siboniso Gonya ku soo gabagabeeyay muddo ka yar 11 ilbiriqsi sanadkii 2017-kii.
Markii ugu dambeysay ee feeryahankan uu dagaallamo waxay ahayd bishii Luulyo 2022, markaas oo uu London ku garaacay feeryahanka u dhashay Britain ee Jason Cunningham, balse natiijada dagaalka ayaa markii dambe la baabi’iyay kadib markii uu ku guuldareystay baaritaanka daroogada.
Waxaa laga helay walaxda ‘stanozolol’ (oo ah nooc ka mid ah daawooyinka murqaha dhisa ee mamnuuca ah), waxaana Hay’adda La-dagaallanka Daroogada ee UK (UK Anti-Doping Agency) ay ku soo rogtay ganaax afar sano ah.
Mudada ganaaxiisa ayaa ku ekeyd 29-ka Luulyo 2026, waxaana geeridiisa kadib, maamulihiisa Mla Tengimfene uu xaqiijiyay inuu tababar ugu jiray dagaal uu dib ugu soo laabanayo.
Tete wuxuu diiwaangashaday 29 guulood iyo afar guuldarro 34 tartan oo uu galay, iyadoo hal dagaalna natiijadiisa la baabi’iyay.


