HomeWararka MaantaPuntland oo soo saartay digniin la xiriirta burcad badeedda

Puntland oo soo saartay digniin la xiriirta burcad badeedda

Sahan Media Muqdisho: Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Puntland ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto kororka dhacdooyinka burcad-badeednimada ee ka soo cusboonaaday xeebaha Puntland iyo biyaha ku xeeran, ayna dowladdu maalmihii la soo dhaafay xoojisay howlgallada amniga iyo ilaalinta badda, si looga hortago khatarta burcad-badeedda iyo shabakadaha ku lugta leh.

War-saxaafadeed Wasaaradda ayaa lagu sheegay in xogaha hordhaca ah ee ay hayaan hay’adaha Puntland ay muujinayaan in dhinacyo dibadeed ay isku dayayaan inay dib u hawlgeliyaan shaqsiyaad iyo shabakado horey ula xiriiray burcad-badeednimada, maadaama ay tallaabadaasi dhiirrigelin dhaqaale u noqon doonto falalka Burcad-badeedda, laguna wiiqi karo amniga iyo sumcadda Puntland.

Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay si buuxda uga go’an tahay la dagaallanka burcad-badeednimada iyo burburinta shabakadaha dambiyada ee fududeeya, maalgelinaya ama ka faa’iideysta falalka burcad-badeedda, iyadoo Hay’adaha amniga iyo kuwa ilaalinta badda ayaa lagu amray inay qaadaan tallaabooyin isku-duuban oo go’aan leh, si loo carqaladeeyo shabakadahaas loona horkeeno hay’adaha caddaaladda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments