Sahan Media Muqdisho: Xukuumadda Puntland ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u sheegtay in Markabka MV LUTUF iyo shaqaalihii la socday, oo burcad-badeeddu ku qabsadeen xeebaha Puntland 17-kii Agoosto 2026, lagu sii daayay kadib markii la bixiyay lacag madax-furasho ah, iyadoo meesha ka saartay wararka sheegayay in markabka lagu soo furtay howlgal milatari.
Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in xogta ay heshay ay muujinayso in mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga ay bixiyeen lacagtii madax-furashada, iyadoo si adag u cambaarayeay tallaabadaas, xustayna in bixinta madax-furashadu ay dhiirrigelin karto burcad-badeedda iyo afduubka maraakiibta.
Puntland waxay sidoo kale sheegtay in dhacdadii lagu tilmaamay duqeyn ka dhacday xeebaha Garmaal iyo Jiifle 18-kii iyo 20-kii Agoosto aysan ahayn howlgal lagu soo furtay MV LUTUF. Sida ay Wasaaraddu sheegtay, weerarradaasi waxay sababeen dhimashada dhowr qof oo burcad-badeed ah, balse markabka iyo shaqaalihiisa waxaa la sii daayay kadib madax-furasho la bixiyay, iyadoo ay burcaddu markii dambe isaga tageen markabka.


