HomeWararka MaantaBaarlamaanka cusub ee Galmudug oo guddoon doortay

Baarlamaanka cusub ee Galmudug oo guddoon doortay

Sahan Media Muqdisho: Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod oo ka mid ah cododka xildhibaannada oo ka kooban 89 xubnood.

Sidoo kale Cabdulqaadir Axmed Cali ayaa loo doortay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Galmudug, isaga oo helay 87 cod, halka Mursal Cabdi Aadan loo doortay guddoomiye ku-xigeenka labaad, kaddib markii cod gacan-taag ah ay ku oggolaadeen 87 xildhibaan.

Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in ay madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa doortaan 22-bishan Oktoobar, sida ay hore u shaaciyeen guddiga doorashooyinka federaalka.

Madaxweynaha Galmudug waxaa lagu wadaa in loo doorto Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq) oo ka tirsan xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee JPS, kaas oo helay 67 mudane oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Galmudug.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments