Sahan Media Muqdisho: Xildhibaanada Maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa maanta meelmariyey buuxinta kuraasta shan xildhibaan oo katirsanaa barlamaankaasi isla markaan dhawaan lagu soo dhaweeyey Hargaysa kadib markii ay u goosteen Maamulka Somaliland.
Xubnahaan oo maalmihii la soo dhaafay khilaaf xooggan ka tagnaa cidda awoodda u leh soo xulistooda ayaa waxaa guddoonka barlamaanka la gaarsiiyey laba liis oo ay soo kala gudbiyeen Madaxweyne Firidhiye iyo ku-xigeenkiisa Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Ansixinta barlamaanka ayaa ka dhigan inay guulaysteen liiska xildhibaanadii garabka Madaxweyne Firdhiye iyo Wasiirka ganacsiga xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Jamaal Xasan oo ay Dowladda Somalia u soo dirtay xallinta khilaafka aloosan.
Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Waqooyi Bari Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa qoraal muuqaal la raaciyey oo uu ku daabacay bartiisa Facebook ku sheegay in arrinta golaha wakiilada ka dhacday ay baalmarsan tahay sharciga ayna wiiqayso wax-wadalahaanshihii iyo heshiisyadii bulsho ee dhexmaray Sool & Sanaag.


