Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan la yeeshay Xildhibaano dhawaan kasoo goostay Maamulka Waqooyi Bari, oo dhawaan gaadhay magaalada Hargaysa.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska afhayeenka Madaxweynaha, Cirro ayaa siyaasiyiinta Xildhibaanada hore ahaa soo dhaweeyey, isagoo uga mahadceliyey go’aankooda ku aaddan inay dib ugu soo laabtaan Somaliland, isla markaana ka qayb qaataan nabadaynta, isku soo dhawaanshaha bulshada iyo horumarinta deegaannada ay ka soo jeedaan.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladda amniga iyo xasilloonida bulshada, iyadoo Madaxweynaha uu sheegay in xukuumaddiisu mudnaanta siinayso wada-tashi, nabadgelyo iyo isu-soo-dhawaanshaha bulshada.
“Madaxweyne Cirro ayaa siyaasiyiinta u sheegay in Somaliland ay tahay dal iyo bulsho isku dan ah, isagoo xusay in muwaadin kasta uu xaq u leeyahay inuu dareemo ka mid ahaanshaha iyo lahaanshaha Qaranka” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.
Dhanka kale, siyaasiyiintii kulanka ka qaybgalay ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhaweynta iyo fursadda uu siiyey inay aragtidooda si toos ah ula wadaagaan. Waxay sheegeen inay diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan dadaallada nabadaynta, horumarinta deegaannadooda iyo xoojinta midnimada bulshada.


