Sahan Media Muqdisho: Hal ruux oo rayid ah ayaa u geeriyoodey rasaas ay fureen ciidamo katirsan booliska gobolka Bari oo howlgal ka waday Xaafadda If iyo Aakhiro ee magaalada Boosaaso, xilli ay wadeen hawlgal lagu soo qaban lahaa eedaysane ay waaran u soo jartay hay’adaha garsoorka Puntland.
Sida ay sheegeen goobjoogayaal, ciidamada ayaa watay waaran maxkamadeed oo u oggolaanayay inay ninka soo xiraan, balse markii ay isku dayeen qabashadiisa ayaa waxaa dhexmaray buuq iyo gacan-ka-hadal, sababay in ciidanku rasaas furaan iyadoo uu goobta ku dhaawacmay qof shacab ah oo ka dhawaa.
Dhaawaca qofka rayidka ah ayaa loo qaaday Cisbitaalka Weyn ee magaalada Boosaaso, halkaas oo uu ugu dambayn ugu geeriyoodey dhaawaca soo gaarey, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee la tacaalayey xaaladdiisa caafimaad.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo faahfaahinaya dhacdada, sababta rasaasta loo adeegsaday iyo tallaabada laga qaadayo askartii ku lug lahayd, shaqaaqada uu ku geeriyoodey shaqsigaasi katirsanaa shacabka Magaalada Boosaaso.


