HomeWararka MaantaCarabta oo is hor istaag ku samaynaya aqoonsiga Somaliland

Carabta oo is hor istaag ku samaynaya aqoonsiga Somaliland

Sahan Media Muqdisho: Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa dalalka Carabta ugu baaqay inay adeegsadaan xidhiidhkooda iyo saamayntooda diblomaasiyadeed si looga hortago in aqoonsigii Israa’iil siisay Somaliland uu isu beddelo olole ay dalal kale ku aqoonsadaan Somaliland.

Cali Maxamed Cumar oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa sheegay in Soomaaliya ay xidhiidh toos ah la leedahay maamulka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, si ay uga muujiso sida ay uga soo horjeeddo aqoonsiga Israa’iil siisay Somaliland. Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay si dhab ah ula socoto dood kasta oo ku saabsan aqoonsi cusub.

Cali Maxamed Cumar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ayna aqoonsiga Israa’iil u arkin tallaabo astaan ah oo keliya, balse ay rumaysan tahay in tallaabo kasta oo dibadeed oo lagu doonayo in wax looga beddelo midnimada Soomaaliya ay yeelan karto cawaaqib siyaasadeed iyo amni. Waxa uu sidoo kale xusay waxa uu ku tilmaamay ka-qaybgal diblomaasiyadeed iyo amni oo Israa’iil ay ku leedahay Somaliland, oo ay ku jirto caawinta tababarka ciidamada ammaanka.

Isagoo ka hadlayay mowqifka dalalka Carabta, Cali Maxamed Cumar ayaa sheegay in jawaabtii degdegga ahayd ee Carabtu ka bixisay aqoonsiga Israa’iil ay muhiim ahayd, maadaama ay muujisay in go’aanka Israa’iil aanu waxba uga beddelin waxa uu ku tilmaamay is-afgaradka caalamiga ah iyo kan gobolka ee ku aaddan midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Hase yeeshee, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso tallaabooyin ka baxsan cambaareyn oo keliya.

“Ujeeddadu ma aha oo keliya in la soo saaro cambaareyn, balse waa in laga hortago in aqoonsi hal dhinac ah uu isu beddelo olole ballaadhan,” ayuu yidhi Cali Maxamed Cumar, isagoo dalalka Carabta ugu baaqay inay si firfircoon u adeegsadaan xidhiidhadooda iyo saamayntooda diblomaasiyadeed. 

Waxa uu ku dooday in midnimada Soomaaliya ay ahayn arrin ku kooban Soomaalida oo keliya, maadaama kala go’a dal Carbeed iyo Afrikaan ah uu abuuri karo tusaale ay cawaaqibtiisu ka gudbi karto Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments