HomeWararka MaantaCiidamadii Xananbuure oo qaarkood lagu xiray Ithiopia

Ciidamadii Xananbuure oo qaarkood lagu xiray Ithiopia

Sahan Media Muqdisho: Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa gacanta ku dhigtay, isla markaana magaalada Jigjiga ku ururisay ku-dhawaad 200 oo askari oo ka tirsan ciidamo dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ku tababartay gudaha Galmudug.

Ciidamadan ayaa la sheegay in tababarka loogu diyaariyey ka qaybqaadashada dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, balse waxaa lagu qabtay xuduudka dowlad deegaanka Itoobiya iyo gobolka Galgaduud, xilli ay ay ku sii jeedeen qoysaskooda uu kunool gudaha DDSI.

Ilaa hadda ma jiraan faahfaahin rasmi ah oo ka soo baxday Dowladda Deegaanka Soomaalida ama Dowladda Federaalka Soomaaliya oo caddeyneysa sababta ciidamadan loo qabtay iyo tallaabada laga qaadi doono, lamana oga in ciidamadu ay ku jireen hawlgal ciidan ama ay si gaar ah ugu gudbayeen xuduudda Itoobiya.

Ciidamadaan oo uu dhawaan tababar deegaanka Xananbuure ugu soo xiray Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa horay DFS loogu eedeeyey inay ku dhistey qorshe la’aan iyo u adeegsiga dano siyaasadeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments