HomeWararka MaantaRugaha Ganacsiga Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur-galbeed iyo Gobolka Banaadir ayaa si...

Rugaha Ganacsiga Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur-galbeed iyo Gobolka Banaadir ayaa si wadajir ah u qaadacay….

Sahan Media Muqdisho: Rugaha Ganacsiga Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur-galbeed iyo Gobolka Banaadir ayaa si wadajir ah u qaadacay magacaabis uu sameeyay guddoonka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku eedeeyay inuu baalmaray xeerarka iyo shuruucda lagu maamulo doorashada iyo dhismaha hoggaanka rugta ganacsiga dalka.

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen rugahan ayaa lagu sheegay in guddoonka Rugta Ganacsiga Federaalka uu magacaabay ku-simaha guddoomiyaha koowaad, ku-simaha guddoomiyaha labaad, ku-simaha guddoomiyaha saddexaad, agaasimaha guud iyo guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, iyagoo sheegeen in magacaabistaasi aysan waafaqsanayn habraacyada iyo xeerarka khuseeya maamulka iyo doorashada hoggaanka rugta ganacsiga.

Rugaha saxiixay bayaanka ayaa sidoo kale sheegay in magacaabista iyo habka loo maray ay dhaawici karaan kalsoonida, midnimada iyo wadajirka rugaha ganacsiga ee dalka. Waxay ku baaqeen in la dhowro shuruucda iyo habraacyada u degsan rugta ganacsiga, isla markaana la xaqiijiyo in hoggaanka lagu soo doorto hannaan sharci ah oo ay qayb ka yihiin dhammaan rugaha ganacsiga ee dalka.

Ugu dambayn, rugahan ayaa soo jeediyay in dib-u-eegis lagu sameeyo magacaabista la isku khilaafsan yahay, lana qabto shir wadatashi oo rasmi ah oo ay ka qaybqaataan rugaha ganacsiga xubnaha ka ah. Waxay sidoo kale ku baaqeen in la dejiyo hannaan iyo jadwal doorasho oo hufan, caddaalad ah, waafaqsan xeerarka jira, si loo ilaaliyo wadajirka ganacsatada Soomaaliyeed loona helo hoggaan sharciyad iyo kalsooni haysta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments